
XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE AFKA HOOYO.
Maanta waxay ku beegantahay xuska munaasibadda maalinta caalamiga ah ee afka hooyo oo la xuso 21-ka Febraayo sannad walba. Maalintan ayaa adduunka oo dhan looga dabbaaldegga waynaynta, maamuusidda afka hooyo, iyo in la isku baraarujiyo muhiimadda iyo kobcinta afka hooyo. Waa maalin loo asteeyay hagaajinta iyo qabyo tiridda afafka hooyo si ay u sii jiri karaan qarniyo badan.
1999kii ayay hay’adda UNESCO, u aqoonsatay in sannad walba la xuso maalinta afka hooyo. Tan iyo maalintaa waxa la xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, iyadoo looga golleeyahay xoojinta afka hooyo iyo ilaalinta dhaqanka iyo suugaanta. Dalalka afkoodu liito ama qarka u saaran yahay inuu lumo, ayaa maalintan oo kale tashada badbaadinta afkooda.
Afka Soomaaliga oo ah hidde- taariikheed iyo dhaxal ummadda Soomaaliyeed leedahay wuxuu ka mid yahay afafka hooyo ee hodanka ku ah suugaanta, wuxuu soo maray taddawur taariikheed oo soo taxnaa guyaal badan. Afka Soomaaligu isagoo jiritaan lagu qiyaaso 6 kun oo sanno haddana keliya 52-sanno ayuu far qoran lahaa, taasoo la hirgeliyay 21-10-1972 dii. Waa gaabis weyn in ummad taariikhdaas faca ah leh ay far qoran xilliyadaas yeelato. Se dadaal badan oo la bixiyay xilli dawladdii kacaanka ayaa sababtay in far Soomaaligu si balaadhan u hirgasho oo wargeyso far Soomaaliga wax ku qora ay soo baxaan.
Sooyaalka hirgelinta far Soomaaliga oo soo maray taddawur kala duwan kaas oo soo taxnaa ilaa 1940-kii. Waxa jiray loollan u dhexeeyay nooca ay noqonayso dhigaalka far Soomaaligu kaasoo u dhexeeyay aqoonyahano kala watay faro kala duwan oo ay u gu mudnaayeen;
1.Far-Cusmaaniya (Keenadiid)
2. Far-Laatiin (Muuse Galaal)
3. Far-Carabi( Ibraahin)
Se u gu dambayntii Guddidii far Soomaaligu waxay isla qaateen far-laatiin ta.
Cilmibaadhisyo ay sameeyeen khuburo ku takhasusay culuumta afafka ayaa waxay walaac ka muujinayaan hoobad ku socda af Soomaaliga, iyagoo ku sababeeyay in adeegsiga af Soomaaligu bulshada Soomalida gabaabsi ku yahay dhigaal iyo dhawaaq ahaanba. Luuqadaha qalaad sida Carabida iyo Ingiriisiga ayaa isku milan wayn ku ah af Soomaaliga taasoo ay sababtay carro-edagaynta jirta iyo eelkii gumaystaha. Sidoo kale UNESCO ayaa xustay afafka halista ku jira inuu afka Soomaaligu kamid yahay. Maxamed Daahir Afrax oo ahaa suugaanyahan iyo khabiir ku takhasusay culuumta afafka ayaa wuxuu tilmaamay in afka Soomaaliga uu qabo siddeed cudur oo kamid ah sagaalka cudur ee afafka ku sababa dabar go’a.
Dhibaatooyinka afka Soomaaliga haysta waxa kamid ah in ay jirto qabyo dhanka naxwaha af soomaaliga ah. Weli waxa muuqda in seeska naxwaha af Soomaaligu sal dhigan. Qabyadaas waxaa u sabab ah in wixii hirgelinta far Soomaaliga ka dambeeyay aan la samayn wax turxaanbixin ah. Qaybayada far Soomaaliga ku jirta waxaa kamid ah: Qaamus la’aan, degganaan la’aan dhanka adeegsiga farta iyo kala duwanaan dhawaaqa ee degaannada.
Waxa si weyn baahi loogu qabaa in sameeyo dadaalo lagu furdaaminayo qabyo tirka far Soomaaliga si loo badbaadiyo jiritaanka afka hooyo.