Dawladda Suudaan oo Kenya ku eedeysay martigelinta Xooggaga Siyaasadeed ee taageersan Ciidanka RSF

Dawladda Suudaan oo Kenya ku eedeysay martigelinta Xooggaga Siyaasadeed ee taageersan Ciidanka RSF.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa Salaasadii walaac ka muujisay go’aanka Kenya ay ku martigelisay shir ay isugu yimaadeen xoogagga siyaasadeed ee taageersan Ciidanka RSF, kuwaas oo dagaal kula jira ciidanka milatariga Suudaan si ay gacanta ugu dhigaan talada dalka.

Shirkan oo Salaasadii ka dhacay Nairobi ayaa loo arkaa tallaabo hordhac u ah dhismaha isbahaysi siyaasadeed oo cusub oo ay ku midaysan yihiin xoogagga siyaasadeed iyo kooxaha hubeysan ee la safan RSF. Waxaa la filayaa in saddex maalmood gudahood la saxiixo axdi siyaasadeed, kaas oo ay ku xigi doonaan hab-raacyo dastuuri ah iyo dhismaha xukuumad ka arrimisa dhulka ay gacanta ku hayaan RSF.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa bayaan ku sheegtay in dhacdadani ay ka hor imanayso ballanqaadyadii ugu sarreeyey ee Kenya ay ku qaaday inaysan oggolaan wax falal cadawtinimo ah oo ka dhan ah Suudaan in laga fuliyo dhulkeeda, Waxay intaas ku dartay in shirkaasi uu la mid yahay bayaan cad oo cadowtinimo ka dhan ah shacabka Suudaan.

Wasaaraddu waxay ku eedeysay Kenya in ay dhiirrigelinayso kala qeybsanaanta dalalka Afrika, sidoo ay xad-gudub ku samaynayso madaxbannaanidooda, isla markaana ay faragelinayso arrimahooda gudaha. Waxay sheegtay in tani ay xadgudub ku tahay Xeerka Qaramada Midoobay, Axdiga Ururka Midowga Afrika iyo xeerarka caalamiga ah. Waxay wasaaraddu carrabka ku adkeysay in ujeeddada shirka Nairobi ay tahay dhismaha dowlad barbar-socota tan Suudaan oo laga hirgeliyo dhul ay RSF maamusho.

Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Cali Yuusuf, ayaa 26-kii January sheegay in mowqifka Kenya ee ku aaddan Suudaan uu isbedelay. Kadib kulan uu la qaatay madaxweynaha Kenya, William Ruto, oo ka dhacay Nairobi, Yuusuf wuxuu sheegay in Ruto uu ballanqaaday inuusan aqoonsan doonin wax dowlad ah oo ay RSF ka yagleesho dhulka ay ka arramiso.


Wasaaradda arrimaha dibadda Suudaan waxay xustay inay ka xun tahay in dowladda Kenya ay jebisay ballanqaadyadii xeerarka caalamiga ah, Xeerka Qaramada Midoobay, iyo Heshiiska Ka-hortagga Xasuuqa, iyadoo u ogolaatay RSF inay shirkan ku qabato Nairobi. Waxay wasaaraddu sheegtay in RSF ay mas’uul ka tahay xasuuq iyo gumaad ka dhan ah qowmiyado gaar ah, sidaas darteedna in Kenya martigeliso hoggaanka RSF una fududeyso inay abaabulaan howlo siyaasadeed ay ka dhigan tahay taageero iyo ka qeybgal toos ah oo lagu sii wado xasuuqaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan waxay intaa ku dareen in shirka ka dhacay Nairobi uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhulka Suudaan, iyagoo xusay in ciidanka qaranku ay u heellan yihiin xoraynta dhulka ay gacanta ku hayaan RSF.

Ugu dambeyn, wasaaraddu waxay ugu baaqday beesha caalamka inay cambaareyso falka Kenya, iyada oo intaas ku dartay in ay qaadi doonto tallaabooyin lagu saxayo xaaladda.