Maxaa ka soo baxay Kullankii u dhexeeyay Ruushka iyo Maraykanka ee ka dhacay Riyaad?

Maxaa ka soo baxay Kullankii u dhexeeyay Ruushka iyo Maraykanka ee ka dhacay Riyaad?

Wadahadalladii dhexmaray Ruushka iyo Maraykanka oo ay hogaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Riyaad ee Sacuudiga. Kulanka labada dhinac ayaa socday ku dhawaad 4.5 saacadood.

La-taliyaha Arrimaha Dibadda ee Putin ayaa sheegay in wadahadallada Maraykanka iyo Ruushka ay si guul ah ku soo dhammaadeen

Yuri Ushakov, la-taliyaha arrimaha dibadda ee Madaxweyne Vladimir Putin, ayaa sheegay in wadahadallo afar saac iyo badh socday oo u dhexeeyay Ruushka iyo Maraykanka lagu soo gabagabeeyay Sacuudiga, wuxuuna ku tilmaamay inuu guul ku soo idlaaday, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee TASS oo ay dawladda Ruushku leedahay.

Ushakov, oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb galay shirka, ayaa xusay in labada dhinac ay ka wada hadleen suuragalnimada shir dhex mara Putin iyo Trump. Si kastaba ha ahaatee, ma jiro waqti rasmi ah oo loo cayimay kulankaas.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, oo ka hadlay magaalada Riyaad kaddib markii uu kullan la yeeshay wafdi ka socda Ruushka.

Wuxuu sheegay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in la dhiso Guddi heer sare ah oo ka shaqeysa wadahadallada la xidhiidha Ukraine. Sidoo kale Guddidan ayaa ka arramin doonta xoojinta iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Moosko iyo Washington.

Sidoo kale Rubio wuxuu sheegay inuu “ayyidsan yahay” in Moosko ay diyaar u tahay inay ka qayb gasho “geedi socod dhab ah” oo loogu talagalay in lagu soo afjaro dagaalka Ukraine hab “caddaalad ah oo waarta.”

Wuxuu intaa ku daray in heshiis walba uu noqon doono mid la aqbali karo, oo wada qanciya Maraykanka, Ruushka, Ukraine, iyo Yurub, isagoo beeniyay in Ukraine iyo Yurub laga saaray wadahadallada.

Rubio wuxuu intaa raaciyay in Maraykanka iyo Ruushka ay isla meel dhigeen in dib loo soo celiyo howlaha safaaradaha labada dal, taasoo ifafaalo u ah dib u u soo noolaynta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal.



Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid midho dhal ah, wuxuuna xaqiijiyay in labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo yareyn lahaa caqabadaha diblomaasiyadeed.

Lavrov wuxuu carabka ku adkeeyay in ay ku heshiiyeen arrimo dhowr ah, sida dib u soo celinta shaqaalaha diblomaasiyadeed, wadahadallo dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda Ukraine, iyo sidii loo fududeyn lahaa caqabadaha dhaqaale, isagoo sidoo kale muujiyay suurtogalnimada kulan dheeri ah oo dhex mara Putin iyo Trump.

Ruushka uu soo bandhigay shuruudo daaran in in NATO ay ka tanaasusho ballanqaadkii 2008 ee Ukraine.

“Himilada NATO ee ku saabsan Ukraine waxay khatar ku tahay madax-bannaanida Ruushka” sidaa waxa yidhi Wasiir Lavrov.