Maxay Tahay Bitcoin?
Bitcoin waa nooc ka mid ah lacagta dijitaalka ah ee loo yaqaan ‘cryptocurrency’. Waxa uu ka duwan yahay lacagaha caadiga ah, sababtoo ah ma jiro waddan ama hay’ad rasmi ah oo xakameysa. Qiimahiisa ayaa si joogto ah isu beddelaya, sida lacagaha kale sida dollar ama euro. Farqiga ugu weyn ayaa ah in qiimaha ‘cryptocurrencies’ uu aad u kacsan yahay, sababtoo ah ma jirto cid xakameynaysa, waxaana uu ku socdaa kor iyo hoos iyadoo ku xiran suuqa. Bitcoin waxaa loo isticmaali karaa in lagu iibsado alaabo ama qalab maalgashi, in kasta oo aan laga heli karin waddamada oo dhan. Sida dhammaan cryptocurrencies, bitcoin waxaa loo isticmaalaa in lagu bixiyo lacag-bixin deg-deg ah, iyadoo la yareynayo khidmadaha macaamiil ee ganacsiga.
Sidee Ayey U shaqaysaa?
Bitcoin kasta wuxuu ka kooban yahay lambaro sir ah oo ku kaydsan “jeebkaaga dhijitaalka ah” ee taleefanka gacanta ama kombiyuutarkaaga, kuwaas oo leh “furayaal khaas ah”. Dadku waxay u diri karaan ama heli karaan qayb ka mid ah bitcoin shakhsiyaad kale ama shirkado kale.
Hab Noocee Ah Ayaan Ku Heli Karaa?
Waxaad ku heli kartaa bitcoin saddex hab:
- Iibsashada bitcoin (ama qayb ka mid ah lacagta) adigoo isticmaalaya lacagahaaga caadiga ah. Barnaamijyo badan oo taleefan ayaa kuu oggolaanaya inaad iibsato bitcoin adoo isticmaalaya lacagaha ku jira akoonada bangiga.
- Waxaad sidoo kale ku iibsan kartaa dadka kale iyagoo ku siinaya bitcoins lacagtaada.
- Ama waxaad ku abuuri kartaa bitcoin adigoo adeegsanaya nidaamka qodista macdaneed ee bitcoin-ka. Kuwa ku hawlan shaqadan waxaa loo yaqaan macdan qodayaal. Macdan qodayaashu waxay ku shaqeeyaan kumbuyuutaro awood badan oo xaqiijiya macaamilka macaamiisha ka kooban shabakadda iyagoo helaya abaalmarinno otomaatig ah.
Taariikhda Kooban ee Bitcoin iyo Siday Ku Timid?
Horraantii 2009, barnaamijyahan aan la aqoon ama koox is qarisay oo isticmaalay magaca ‘Satoshi Nakamoto’ ayaa daabacay fikradda bitcoin, oo ahaa nidaam cusub oo lagu kala iibsado lacag aan cidna gacanta ku hayn. Marka tiknoolajiyada bitcoin la hirgeliyey, 2011, waxaa si toos ah loo isticmaalay. Si kastaba ha ahaatee, xog yar ayaa laga hayaa dhacdooyinkii horseeday horumarka lacagta. Bitcoin ayaa noqotay lacagtii ugu horreysay ee internetka ah ee suuqa soo gasha, iyadoo ku soo gashay qiimaha ugu sarreeya.
Maxaa macnaha u yeelay Bitcoin?
Xiisaha sii kordhaya ee maalgashadayaasha waaweyn iyo shakhsiyaadka iibsanaya bitcoin ayaa sii dedejiyey qiimaha bitcoin labada sano ee la soo dhaafay. Kahor, cryptocurrencies waxaa loo isticmaali jiray aagagga ururrada dambiilayaasha caalamiga ah si ay u fuliyaan macaamilladooda sharci darrada ah iyagoo aan la aqoonsan. Laakiin hadda, bitcoin waxaa loo aqoonsaday inay tahay lacag caalami ah oo suuqa ku jirta.
Khatar Ma Leedahay Bitcoin?
Khatarta ugu weyn ee bitcoin waa in uu yahay xumbo maaliyadeed oo dhammaan dadka ku maalgeliyey lacagtooda dhabta ah, iyada oo aan taageero hay’ad maaliyadeed oo rasmi ah. Waxaa la soo sheegay in maalgashadayaal badan ay hal maalin ku khasaaray 15 bilyan oo dollar. Bitcoin ayaa sidoo kale sabab u noqday luminta balaayiin doolar dunida oo dhan, iyadoo lacagtaas si lama filaan ah u lunto. Sida ay khubaradu sheegaan, qof kasta oo maalgashi ku sameeya bitcoin waa inuu diyaar u yahay inuu lumiyo lacagtiisa haddii ay wax khaldamaan, sababtoo ah ma jirto dammaanad qaad ah.