Jabuuti oo war kasoo saartay Xaaladda Madaxweyne Geelle.

Madaxweynaha Dalka jabuuti ismaaciil Cumar geelle oo maalmihii udambeeyey Xaalad Caafimaad ugu maqnaa Dalka faransiiska ayaa Dib ugu soo laabtay Dalka jabuuti kadib markii uu soo dhameystay Safarkiisa Caafimaad.

Wasiirka maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale ayaa Sheegay in Madaxweyne Geele uu Ka cabanaayey jilibka Midig balse imika Xaalkiisu uu fiican yahay isagoo dhaliilay dad uu ku Tilmaamey inay Warar been abuur ah ka faafiyeen Madaxweynaha.