Musharax Cirro oo Xabsiga Mandheera ugu Tagey Xildhibaan Maxamed Abiib oo wali xidhan.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro oo maanta xabsiga Mandheera ugu tagey Xildhibaan Maxamed Abiib oo dhawaan hargeysa lagu xidhay ayaa ka war bixiyey Kulan kooban oo uu la qaatey Xildhibaan Abiib

” Saaka waxa aan safar jarmaado ah ku tegay Xabsiga weyn ee Mandheera oo uu ku xidhan yahay halgamaa shacab Xildhibaan Maxamed Abiib .

Xildhibaanka oo aan la kulmay waxa aan ka xaal wareystay xaladdiisa caafimaad, bad-qabkiisa iyo qaabka loola dhaqmo, Xisbi ahaan iyo Musharrax ahaanna waxa aan u caddeeyey inuu caddaalad heli doono, sharci darro iyo dastuur jabinna uu ku xidhan yahay, Somaliland oo dhamina ay xadhigiisa ka gilgilatay.

Xildhibaan Abiib, waa shakhsiyad keenadiid ah, dulmidiid ah, oo u ah bulshada reer Somaliland caroogga iyo codkooda dheer, ma istaahilo mana mudnayn in afka laga xidho codkaas oo ku fadhiya matalaad reer AWDAL ah, waxa aan ku baaqeynaa in Xildhibaanka degdeg xorriyaddiisa loogu soo celiyo”