Wararkii ugu dambeeyey Ee Dagaalka Xisbullah iyo isreal.

Wararka ka soo baxaya Lubnaan ayaa waxay sheegayaan in Israa’iil ay wali sii waddo duqaymaha ay ka waddo halkaas.
Wararka ay baahineyso warbaahinta gudaha ayaa waxay sheegayaan in ugu yaraan lix lagu dilay koonfurta dalka, halka sagaal ruux oo kalana lagu dilay aagga wabiga Bekaa oo ay meel ay ku xoogan tahay XIsbullah oo ay gacanta ku hasyo.
Jariiradda af carabiga ku baxda ee An-Nahar ayaa waxay baahisay in ilaa saddex qof lagu dilay magaalo ku taalla koonfurta Lubnaan oo lagu magacaabo Anquon halka saddex kalana lagu dilay aagga kale oo u dhaw halka lagu magacaabo Nabatieh.
War bixin kale oo ay baahiyeen ayaa waxay ku sheegeen in qoys ka koobanaa sagaal xubnood oo Suuriyaan ah – kana koobnaa caruur iyo hooyadood balse noqday Lubnaaniyiin – in lagu dilay aagga wabiga Bekaa