Qarax xoogan oo ka dhacey Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashey.

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, qarax ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay balse dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen maydadka dhowr qof iyo dhaawac.

Aaagga ay wax ka dhaceen ayaa ah waddo ay isticmaalaan inta badan gaadiidka masuuliyiinta dowladda ee ku socda madaxtooyada.