Muxuu yahay Heshiiska kale ee ay Wada Gaadheen Ururka Kaah iyo Xisbiga Waddani ?

WAR- CUSUB: Xisbiga WADDANI iyo Ururka KAAH ayaa maanta isla qaatey qorshe cusub oo ay dadka reer Somaliland ee gobalada dalka ku kala nool ay ku soo wacyi gelin doonan
Waxaa la isla qaatay in Xisbiga WADDANI iyo Urur siyaasadeedka KAAH u kala baxaan gobalada bariga Somaliland iyo Gobalada Galbeedka .

Xisbiga WADDANI waxaa uu safar ugu bixi doonaa gobalada Galbeedka Somaliland
Ururka KAAH ayaa isaguna safar ugu bixi doona Gobalada Bariga Somaliland .

Sidaas waxaa warbaahinta u sheegay Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi CIRRO .

kaah iyo waddani ayaa ah labada Dhinac ee ugu saameynta badan wakhtigan Doorashooyinka Somaliland.