SAFAARADDA SOOMAALIYA EE DALKA ITOOBIYA OO MUWAADDINIIN SOOMAALIYEED OO TIRADOODU GAADHAYSO 74 U DIRTAY MAGAALADA HARGEISA KUWAAS OO LAGA SOO QAADAY XUDUUDDA SUUDAAN IYO ITOOBIYA.
ARBACA, MAY 03, 2023: Sii-hayaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya Marwo Ayaan Maxamuud Sheekh Xaamud oo maalmahan ku mashquulsanayd daabulka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dalka Suudaan ayaa saaka ku sagootisay garoonka diyaaradaha ee caasimada dalka Itoobiya ee Addisababa muwaadiniin soomaaliyeed oo tiradoodu gaadhayso 74 muwaadin oo la geyn doono Magaalada Hargeysa.
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Itoobiya waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu soo badbaadinayo muwaaddiniinta Soomaaliyeed ee ka soo barakacay dalka Suudaan halkaasi oo ay hadda ka socdaan dagaallo sokeeye. Sidoo kale Safaaradda Soomaaliya waxay heegan ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu gudbin lahaa guryahoodii iyo ehelkoodii goobkasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah.