Dadaalo samatabixin ah ayaa ka socda qaybo ka mid ah Wadanka Malaysia kadib markii daadad xoogani ay dileen ugu yaraan afar qof isla markaanaay ku barakaceen in ka badan 40,000.
Dhimashada ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta gobolka Johor waxaa ka mid ah nin ku xannibmay gaadhi ay la tageen daadadkuiyadoo Gargaar uu waayeyna ay keenay inuu Geeriyoodo.
Muuqaalo ay qaadeen shaqaalaha gurmadka oo ku sugan magaalooyin ku yaala gobolka koonfureed ayaa muujinaayay kooxo dad ah oo ku xayiran saqafyada sare ee guryaha iyadoo guryahoodii lagu waayay biyaha hoostooda.
Sawirro ay la wadaagtay Hay’adda Qaran ee Musiibooyinka daadadka ayaa muujinayay samatabbixiyeyaal hoosta ka qodaya meelaha qaar si ay u badbaadiyaan dadka ku go’doonsan guryahooda.
Mid ka mid ah shaqaalaha gurmadka ayaa la arkayay isagoo ilmo ku dhex wata baaldi si uu u badbaado.