Ugu yaraan saddex qof ayaa meydkooda laga helay waddooyinka magaalada Nottingham, oo ah magaalo ku taal badhtamaha Ingiriiska, sida uu sheegay booliska Dalka Britain.
Nin 31 jir ah ayaa lagu xidhay magaalada Nottingham isaga oo looga shakisan yahay in uu dil geystay ka dib markii uu sidoo kale gaadhi baabuurka ah uu isku dayay in uu jiidhsiiyo saddex kale, sida ay saraakiishu ku sheegeen hadal ay soo saareen.
Markii hore, labo qof ayaa meydkooda laga helay bartamaha magaalada, Wax yar ka dib 4-tii subaxnimo wakhtiga maxaliga ah (03:00 GMT) askarta bilayska ayaa loo yeedhay dhacdo kale oo u dhaw halka uu gaadhigu isku dayay inuu jiidho saddex qof. Waxaana lagu daweynayaa isbitaalka.
Nin kale ayaa meydkiisa laga helay waddo kale oo ka baxsan bartamaha magaalada kaasi oo noqonaya maydkii saddexaad ee ay helaan Ciidamada Bilaysku.
"Tani waa dhacdo naxdin leh taas oo galaafatay nolosha saddex qof," Chief Constable Kate Meynell ayaa ku sheegtay bayaanka.
“Waxaan rumaysanahay in saddexdan dhacdo ay dhamaantood isku xidhan yihiin, waxaana noo xidhan nin xidhan. Baaritaankan waxa uu marayaa heerarkii hore, koox baarayaal ah ayaana ka shaqaynaya sidii ay dhab ahaan u ogaan lahaayeen waxa dhacay,” ayay raacisay.