25 Qof oo lagu diley Dalka Uganda.

Ugu yaraan 25 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay iskuul ku yaala galbeedka Ugandha, waxana lala xidhiidhinayaa inay ka dambeeyeen weerarkaas koox gacan saar la leh xooggaga isbahaysiga dimuqaraadiga oo saldhigoodu yahay bariga Koongada dimuqaardiga.

Sideed qof oo kale oo dhaawacoodu daran yahay ayay dhibaatadu ku qabsatay dugisga sare ee Lhubirira ee ku yaala Mpondwe.