17 qof oo ku dhintay dab ka kacay Goob shiidaal oo kutaal Dalka Indonesia.

Dab xoogan ayaa ka kacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla caasimada Indonesia ee Jakarta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof.

Saraakiisha dalka indonesia ayaa sheegay in dabku uu ka kacay keydka shidaalka ee Plumpang, oo ay leedahay shirkadda tamarta dowladda ee Pertamina.

Muuqaal ay soo gudbisay warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay boqollaal qof oo ku nool xaafadda ay dadku ku badan yihiin kuwaasi oo ka argagaxsan dhibaatadan ka dhalatay dabkan ka akcey goobta shiidaal , halka dabdamiskuna ay ku guuleysteen daminta dabka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ay sheegeen in 50 kale oo ka mid ah dadka deegaanka la dhigay isbitaalka, kuwaas oo qaarkoodna ay si daran u gubteen.

waxay intaa ku dareen saraakiishu in inka badan 600 oo qof la daad-gureeyay tan iyo markii uu dabku kacay abbaaro 8-dii fiidnimo waqtiga maxaliga ah.