Xaddiga laga heli karo Bitcoin ee suuqyada ganacsiga taala ayaa hoos u dhacday oo gaadhay heerkii ugu hooseeyey abid. Hoos u dhacaas ayaa soo bilaabmay bilowgii sanadkan, wuxuuna kor u qaadayaa su’aalo ku saabsan sida ay saamayn ugu yeelan karto qiimaha Bitcoin.
Hadda waxaa jira kaliya 2.45 milyan Bitcoin oo laga heli karo suuqyada ganacsiga taas oo shirkad walba oo ka ganacsata sarifka lacagaha dhijitaalka ahi ay xadi ka haysto, halka guud ahaan Bitcoin-ka guud ee suuqa taalaa ay tahay 19.74 milyan (circulating supply) taas oo waliba ay dheertahay 3.35 milyan oo Bitcoin oo luntay.
Inta soo hadhay ayaa lagu kaydiyay boorsooyin gaar ah, kuwaas oo ay leeyiin shaqsiyaad, shirkado, ama hayโado oo muddo dheer loogu talagalay in ay kayd sanaato. Waana sababta ugu wayn ee keentay in ay suuqyada ku yaraato xadigii Bitcoin ta ahaa ee suuqa wareegaysay.
Hoos u dhaca Bitcoin-ka la heli karo ee suuqyada ganacsiga waxa uu ka dhigan yahay in suuqa uu noqday mid adkaanaya.
Marka Bitcoin-ta ka yaraato suuqyada ganacsiga, waxaa yaraada lacagta la heli karo ee lagu ganacsado, taas oo keeni kartaa xaalad loo yaqaan โShock Supply.โ Tani waxay dhacdaa marka saamiga hantida uu si lama filaan ah u yaraado, taasoo badanaa keenta in qiimaha uu kordho haddii baahidu ay sii jirto ama ay kordho.
Sidaas darteed, marka Bitcoin-ka uu yaraado suuqyada ganacsiga, waxaa suuragal ah in ay keento dhaqdhaqaaq sare oo dhanka qiimaha ah.
Haddaba, haddii aad la socoto qiimaha Bitcoin, fiiro gaar ah u yeelo isbeddeladan, waxa ay saameyn weyn ku yeelan karaan qiimaha mustaqbalka ee Bitcoin.