Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama oo ay wehiliyaan xubno ka mid ah guddiga loo xil-saaray samatabixinta muwaadiniinta Soomaliyeed ku xaniban dalka Suudan ayaa Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey muwaadiniin ay Dowladda Soomaaliya dalka dib ugu soo celisay, kuwaas oo ku goโdoon sanaa dagaallada ka socona dalka Suudaan.
Muwaadiniinta oo ka kooban 123 qof ayaa 45 ka mid ah laga dajiyey magaalada Garoowe, halka 78 ka mid ahna laga soo dejiyey Muqdisho, iyaga oo safar dheer oo xagga lugta ah ay ku soo galeen dalka Ethopia oo Dowladda Soomaaliya ay ka soo daad gureysay.
Raโiisul Wasaare ku-xigeenka oo ku boggaadiyey shaqada ay qabteen guddiga soo celinta muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka Suudaan, ayaa sheegay in Xukuumaddu dadaal xoogan galinayso sidii guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan ay si nabad ah dalka ugu soo celin doonto.