Dawladda somaliland ayaa maanta Hargeysa ku xidhay Xildhibaan Maxamed abiib Yuusuf oo laga qabtay gudaha Madaarka hargeysa Xilli uu doonaayey inuu Soo galo magaalada hargeysa.
Ciidamada Danbiyada Culus ee Sirdoonka ayaa Wararku sheegayaan in ay Qabteen wakhtigaasi uu kasoo Dagaayey garoonka hargeysa waxaana Saacado kooban oo lagu xidhay hargeysa kadib loo gudbiyey Xabsiga Mandheera oo inta Badan lagu xidho Dadka Dambiyada Culus ka geysta gudaha somaliland.
Dhawaan ayey ahayd markii xeer ilaalinta Somaliland ay soo eedeysay Xildhibaanka Balse Aanay Awood uhelin Eediisaasi kadib markii Xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland ay diiden inay cod ku ansixiyaan codsiga iyo dacwada ka timid dhanka xeer ilaalinta