Jeneraal sare oo ka tirsan ciidamada Suudaan ayaa meesha ka saaray in xabbad joojin la sameeyo bisha barakeysan ee Ramadaan, haddii aanay kooxda dabadhilifka ah ee dagaalka kula jirta aanay ka bixin goobaha rayidka iyo dadweynaha.
Hadalka Yasser al-Atta, oo ah taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka, ayaa imanaya ka dib markii ay ciidamadu sheegteen in ay hormarro ka sameeyeen magaalada Omdurman, iyo codsi ka yimid golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ku aaddan xabbad-joojin bisha Ramadaan ah
Ciidamada Gargaarka degdega ah ee loo yaqaano (RSF) ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan baaqa xabad joojinta ee qaramada midoobey .
Bayaanka Atta, oo laga soo saaray kanaalka rasmiga ah ee Telegram-ka ciidanka , kuna saleysan faallooyin uu ka sheegay maalin ka hor gobolka Kassala, ayaa lagu sheegay in aanay dhici karin xabbad joojin Ramadaan ah ilaa RSF ay u hoggaansanto ballan-qaadkii bishii May ee la soo dhaafay ay wada-hadallada Sacuudiga iyo Maraykanku dhexdhexaadiyeen ee ka dhacey Jeddah inay ka baxdo guryaha rayidka iyo xarumaha dadweynaha.