
Bishan Rabadaantu waxay caalamka Islaamka uga dhigantahay bil cibaado iyo fursad qofka muslinka ahi isku beddalo nafsad ahaan iyo dabci ahaan ba. Qofka muslinka ah cibaadaysigu waa u quud ruuxeed, sideedaba diintu waxay u jirtaa dhisidda duunka gudeed ee qofka iyo toosinta anshaxa qofka.
Qofku waxa uu u nugul yahay inuu u rahmanaado doonitaankiisa dareeneed kuwaas oo ay cariyaan afkaarta iyo deegaanku. Bishan waa fursad mar-la arag ah oo qofku isbeddal samayn karo. Isbeddal noocma ah? Waa isbeddal gudeed, mid fekereed iyo ku anshaxeed ba.
Waxa jira isbeddalo aan la dhaadanayn oo bishan dhaca, waxa u horreeya waa waqtiga, hal mar ayuu is dhalan rogaa jadwalka qofka Sooma, dabcigiisa iyo hab-dhaqankiisa bulsheed. Waa isbeddalo si shil ah isaga dhaca, aanse lagu baraarug sanayn.
Waxa se jirta inay adagtahay in qofku isbeddal-gudeed sameeyo bishan, taasoo ah ujeeddada dhabta ah ee bishani u jirto.
Hab-dhaqanka duleed ee qofka ka muuqda waxa ay ka turjumaysaa hab-dhaqankiisa gudeed, taasna waxa haga waa anshaxa iyo dadnimada qofka. Bishan waxay dadka u sahashaa inuu qofku tamriyo awooddiisa ruuxeed, ka adkaado oo toosiyo dareemihiisa misana yeesho anshax go’aameed. Waxa jirta dhib ku habsatay caalamka Islaamka taasoo ah in diintii loo raray wax aanay asal ahaan ahayn oo ah maaddiyayn, taas waxa ka dhashay in qofka muslinka ah isagoo ku abtirsada islaam haddana uu ka madhan yahay anshax iyo dadnimaba. Bishan qofka waxay dareensiisa asal ahaan waxa ay tahay diintu.
FURSADAHA KALE EE KU JIRA BISHAN;
Akhrisku waa quudka maanka iyo wacyiga qofka, waa carinta hab-fekerka qofka, waana awoodda dhista naqdinta qofka. Bulshada waa u lamahuraan inay lahaato caadooyin akhris si ay ugu talaabsato dhanka horumar xaddaaradeed.
Bishan oo kale qofku waxa uu haystaa kansho, uu ku yagleeli karo caadooyin togan; sida kuwa cibaado, qaar anshaxeed iyo kuwa akhriseed ba.
Akhrisku waa dhaqan ay ina farayso diintu, se waxa jira in bishan awoodda u badan la saaro akhriska qur’aan ka, waa basar wacan, se iyana waxa haboon in culuumta kale akhriskooda la badiyo, si qofku u yeesho bishan caado akhriseed uguna gaashaanto awood fekereed iyo shaandho miirto naqdineed. Taasi waxa ay qofka muslinka ah u tababaraysaa inuu ahaado shakhsi aan loo yeedhin diintiisa ama u faruuryo xidhnaan dadyaw kale.
Rabadaan wanaagsan.