Shirkada Diyaarada Ethiopian Airline oo qaadey Talaabo ka dhan Ah Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airline ay aqbashay in ay beddesho bogeeda tigidhada laga goosto oo marka Hargeysa loo socdo qeexaya in ay tahay Somaliland.

Warqad ay shirkadda Itoobiya soo dirtay ayay ku sheegtay in wakhti loogu daro si’ay arrintaas u hirgeliso balse Hay’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya ayaa diiday codsigaasi.

Dawlada ayaa sheegtay in Shirkadda ay xidhiidh la soo sameysay wasaaradda iyo hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayna arrimahan ka wadahadleen.

Dhanka kale wasaaradda gaadiidka iyo hay’adda duulista rayidka Itoobiya ayaa BBC u sheegay in ay”aqbaleen islamarkana saxeen” codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.