Real Madrid Oo Dooratay Tababaraha U Beddelaya Carlo Ancelotti

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshay tababarihii u beddeli lahaa Carlo Ancelotti oo la sheegay in uu heshiis la gaadhay xidhiidhka kubadda cagta Brazil oo u magacaabaya tababaraha cusub ee xulka dalkaas, kaas oo kaliya ay sugayaan sannadka  ka hadhsan qandaraaskiisa Los Blancos. Kaddib marki uu ku guuleystay horyaalka LaLiga iiyo Champions League xilli-ciyaareedki 2021-22, Ancelotti ayay kooxdiisu labadan kooba ka qadday xilli-ciyaareedkii tegay.

Manchester City ayaa ku karbaashtay semi-finalkii Champions League, sidoo kalena Barcelona ayaa toban dhibcood kaga guuleysatay horyaalka LaLiga iyada oo Los Blancos siddeed jeer laga badiyey 38kii ciyaarood ee horyaalka ee xilli-ciyaareedkii tegay.

Copa del Rey ayaa ahaa koobka kaliya ee ay Real Madrid ku guuleysatay xilli-ciyaareedkii tegay, waxaana hadda ay sii diyaarsanayaan tababarihii u beddeli lahaa Carlo Ancelotti oo hore u xaqiijiyey in uu sannadkiisii ugu dambeeyey ku qaadanayo Santiago Bernabeu oo uu ka tegi doono marka uu dhamaado qandaraaskiisu sannadka 2024.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa sheegay, in Florentino Perez uu mar horeba doortay tababaraha cusub ee kooxda la wareegi doona marka uu ka tago Carlo Ancelotti, waana xiddigoodii hore ee khadka dhexe ee Xabi Alonso oo waqtigan ah tababaraha Bayer Leverkusen.

Alonso oo Real Madrid ay kasoo iibsatay Liverpool sannadkii 2009, ayaa waxa uu u saftay 236 ciyaarood isaga oo ka mid ahaa xiddigihii u qaaday Champions League sannadkii 2014, waqtigaas oo uu usii dhaafay Bayern Munich oo uu kubadda kaga fadhiistay 2017.

41 jirkan ayaa waayihiisa tababarenimo ka bilaabay kooxda da’yarta Real Sociedad oo ahayd kooxdii uu kasoo baxay, waxaana bishii October ee sannadkii hore loo magacaabay Bayer Leverkusen oo 26 ciyaarood oo Bundesliga ah oo uu tababare u ahaa guuleysatay 13 ka mid ah, isaga oo keenay kaalinta lixaad ee horyaalka, taas oo ka dhigan in ay kasoo qayb-geli doonaan Europa League. Waxa kale oo ay afar-dhamaadka soo gaadheen Europa League oo ay Roma ku reebtay.

Heshiiska Xabi Alonso ee Bayer Leverkuson ayaa ku eg sannadka 2024 oo ah waqtiga uu Carlo Ancelotti k tegayo Real Madrid, waxaana uu Florentino Perez qorshaynayaa in uu lasii gaadho heshiis ah in uu xilligaas la wareego Real Madrid.