
Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer ayaa garab istaagay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, isaga oo ku tilmaamay “Hoggaamiye si dimuqraaddi ah loo doortay”, kaddib markii Donald Trump uu ku eedeeyay inuu yahay “Kelitaliye”.
Sir Keir ayaa xalay telefoon kula hadlay Zelensky, una sheegay “in ay tahay arrin macquul u ah in Ukraine ay hakiso doorashooyinka inta lagu jiro xaaladda dagaalka, sida ay UK sameysay xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.”
Trump ayaa hore u dhaliilay Zelensky, isaga oo ku eedeeyay in uu hab liita u wax maamulay isla markaana “diiday” in doorashooyin laga qabto Ukraine.
Muddo-xileedka shanta sano ee Zelensky ayaa ku ekaan lahaa May 2024, balse doorashooyinka ayaa la hakiyay tan iyo markii xukun degdeg ah lagu soo rogay dalka kadib duullaankii Ruushka.
Sir Keir ayaa toddobaadka soo socda u safri doona Washington DC si uu halkaas ula kulmo Donald Trump.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu doonayo in kulanka uu toddobaadka dambe la yeelanayo Trump uu diiradda saaro “dammaanad amni oo Mareykanku bixiyaan” taasoo ku tilmaamay mid lamahuraan u ah in laga hortago weerar kale oo Ruushku ku qaado Ukraine.
Si kastaba ha ahaatee, kala fogaanshaha sii kordhaya ee Mareykanka iyo Ukraine ayaa caqabad hortaalla ah Sir Keir.
Afhayeen u hadlay Downing Street ayaa sheegay in ra’iisul wasaarahu Zelensky la wadaagay “muhimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyadu iska kaashadaan”.
Afhayeenka Downing Street ayaa intaa ku daray in ra’iisul wasaarahu mar kale caddeeyay taageeradiisa ku aaddan dadaallada uu Mareykanku hoggaaminayo si loo helo nabad waarta oo Ukraine ka hirgasha, taasoo Ruushka ka hor joogsanaysa damacyadiisa timaaddada.
Dhankakale, Zelensky ayaa sheegay in ay ka wada hadleen “qorsheyaasha iyo fursadaha jira” isaga oo intaa ku daray: “Taageerada UK waa mid aad muhiim u ah, mana illoobi doonno sida shacabka Britain ay u garab taagnaayeen Ukraine iyo dadkeeda.”