
Wakiilka Turkiga u jooga Hargeysa ayaa caawa casuumay ganacsatada Somaliland. Turkiga alaabo ganacsi oo aad u badan baa inooga yimaad
Yaa xaqiijin kara badqabka, sugnaanta & amaanka alaabta Turkiga iyo dalalka kalee caalamka inooga timaada. Karaatoonta baastada ah inay baasto ku jirto iyo in kale yaa huba. Karaatoonta electronics, sigaarka, dharka, kabaha iyo alaabaha kale lagu keeno yaa huba in alaabta la sheegay inay ku jirto oo kaliya uun ay ku jirto!?
Intee in leeg bay kastamyada dalka & masuuliyiinta ka hawlgalayaa foojigan yihiin. Intee in leeg bay masuuliyiinta kastamyadu ku baraarugsanyihiin inay masuul ka yihiin haayada safka 2aad ugu jirta difaaca dalka oo Milatary-ga oo safka 1aad ahi uun ka horeeyo.
《》Xirfadda baadhis, dabogal iyo amaan ee ay leeyihiin masuuliyiinta iyo maamulka kastamku waa intee.
《》Maxaa loo hirgalin laayahay nidaamka lagu maareeyo khatarta ku lamaan alaabaha kastamka dhanka dakhliga, dhanka deegaanka, dhanka waxsoosaarka gudaha iyo dhanka amaankaba
《》Yaa hortaaagan in customs risk management dawladdu masuul ka tahay la hirgaliyo
《》Xogta maraakiibta iyo diyaaradaha alaabta inoo keena, waxay wadaan iyo waxa lagu cashuuro inay shirkad gaar loo leeyahay gacanta ku hayso, halis amaan oo intee leeg bay dalka ku tahay
《》In xogta ganacsatada—alaabaha ay la soo degaan, halka ay ka so iibsadaan, qiimaha laga soo siiyo— shirkad gaar loo leeyahay gacanta ku hayso, khatar intee leeg oo amaan baa ku lamaan.
《》Dawladdu sidey u damaanad qaadi kartaa dhawrsanaanta xogta kastamyadeeda & ganacsiga ganacsatada u soo dega, iyadoo xogtaasiba shirkad gaar loo leeyahay gacanta ku hayso. Xeerkii dhawrista xogta ganacsiga iyo xogta shakhsiguna aanu jirin.
— Abdirahman Mohamed Ibrahim
Customs Administration Specialist
M.A in Customs Adminstration