Maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay madaxweynaha Jamhuuriyadda e Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa in Puntland ay qayb ka tahay colaadda muddaba ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Madaxweyne Biixi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad sanadeed uu shalay ujeedinayay baarlamaanka Somaliland.
Wasiirka warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa BBC-da u sheegay in Puntland aaney qayb ka aheyn dagaalkaasi waxaana dhankiisa uu ku eedeyay Madaxweyne Biixi in ay dadka la dagaallamaya ay yihiin kuwiii uu dulmiyay waa sida uu hadalka u dhigaye, mana ahan markii ugu horreysay oo labada dhinac waa Puntland iyo Soomaaliland ay hadallo caynkaan oo kale ah warbaahinta isku mariyaan.