Laba diyaaradood oo oo ah nooca qumaatiga u kaca ee looyaqaan helicopter-ka ah oo ay leeyihiin ciidamada Japan ayaa burburay xilli habeenimo ah, diyaaradahan ayaa dhoolatus ka sameynaayey jasiiradaha Izu ee badweynta Pacific-ga si ay uga hortagaan maraakiibta quusta xiliga habeenimada.
Shilkan ayaa sababay dhimashada hal qof halka 7 kalena la laayahay. Baadhitaano ayaa socda lagu ogaanaayo sababta keentay burburka diyaaradahan iyo samata bixinta dadka maqan.
Bishii Abriil ee sannadkii 2023 kii, helikobtar ay leeyihiin ciidamada Japan oo ay saarnaayeen 10 qof ayaa ku burburtay jasiiradda Miyako ee koonfurta Okinawa hal qofna kama dadbaadin.