Ilhan Cumar oo doorashada berri loollan adag kula geli doonto haweeneey Madow ah

By admin Published 2022-11-07 07:28:45

Ka dib markii ay ku guuleysatay doorashadii is ree-reebka ee xisbigeeda, Ilhan Cumar waxay doorashada berri oo Talaalado ah dhacaysa kula tartami doontaa haweeney iyadana Madow ah oo la yirahdo Cicely Davis oo ka socota xisbiga Republican-ka. Ilhan bishii Ogosto waxay la soo tartantay afar murashax oo uu ka mid yahay Don Samuels oo horay uga tirsanaa golaha deegaanka ee Minneapolis, inkastoo uu soo galay kaalinta labaad hadana Ilhan ayay guusha raacday. Berri goobaha cod-bixinta waxaa la furi doonaa 7-da subaxnimo waxayna furnaan doonaan ilaa 8-da fiidnimo. Waxay hadda ku fadhidaa kursiga Aqalka Congress-ka oo ay ku mataleyso degmada Shanaad oo ay ku jirto Minneapolis iyo deegaannada kale ee ku xeeran. Mushaarka sannadlaha ah ee uu qaato qofka xubinta ka ah Aqalka Congress waa 174,000 oo doolar. Dhanka xisbiga Jamhuuriga, Davis waxay ku soo guuleysatay inay xisbigeeda ku matasho doorashada guud ee Aqalka Congress-ka. Waxay la soo tartantay 3 murashax oo xisbigeeda ka tirsan.

image

Mmsomali Tv

Halkan waxaad nagula wadaagi kartaa & Muuqaalo & warar & iyo barnaamijyo si aanu ula wadaagno bulshada mahadsanidiin .

3 Comments

  • 2
    image
    Olya Jan 16, 2013 Reply

    If you have too many tasks to do, or are scattered during your workday, breathe. It will help bring you into focus, to concentrate on the most important task you need to be focusing on right now.

  • 3
    image
    Olya Jan 16, 2013 Reply

    @Olya If you have too many tasks to do, or are scattered during your workday, breathe. It will help bring you into focus, to concentrate on the most important task you need to be focusing on right now.

Join the Conversation