Koox burcad badeed Soomaali ah oo afduub u haysatay dooni kalluumeysi ayaa haatan isku dhiibay ciidamada badda Hindiya, sida ay warisay qaar kamid ah warbaahinta dalkaasi oo soo xiganeyso saraakiil kamid ah ciidamada badda.
Kooxdan ayaa muddo waxaa gacanta ugu jirtay doon laga leeyahay dalka Iran oo lagu magacaabo Al-qamaar, taas oo ay la socdeen 23 shaqaale u dhashay waddanka Pakistaan.
Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadeen howlgal qaatay 12 saacadood, kadibna sidaas lagu qabtay burcad badeeddan oo isku dhiibay ciidamada badda ee dalka Hindiya.
Waa kooxdii labaad oo burcad badeed ah oo ay gacanta ku dhigeyso Hindiya, waxayna ahayd dhowaan markii ciidamada badda dalkaas ay qabteen sodomeeyo burcad badeed ah.
Howlgal qaatay 40 saacadood ayaa lagu soo afjaray kooxdaasi oo afduub ahaan u haysatay markabka MV Ruen oo ay saarnayeen 17 shaqaale ah oo ugu dambeyn lasoo bad baadiyay.
Markabka ayaa laga lahaa dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.