Dawladda Ereteriya, ayaa ka hadashay hadal haynta la xidhiidha inuu dagaal ka dhex qarxi karo iyaga iyo Itoobiya.

Waxa maalmihii u dambeeyey sii kordhaysay hadal haynta iyo cabsi laga qabo inuu dagaal ka dhex qarxo Ereteriya iyo Itoobiya, arrintan oo ay warbaahinta Geeska Afrika si weyn wax uga qoraysay, waxa ka hadashay Dawladda Ereteriya.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ereteriya, Yemane Gebremeskel, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ee hore loo odhan jiray Twitter, waxa uu ku sheegay qoraalkiisa in gudaha Itoobiya ay ka socotay maalmihii u dambeeyey hadallo kicin dagaal ah oo uu xusay in ay wadaan kooxo siyaasiyiin ah, oo uu ku eedeeyey in ay u ololaynayaan in dagaal dhaco. “Xanuunka dagaal-qaadista ee muuqdaa ee ay wadaan kooxo siyaasadeed, gaar ah oo ka jira Itoobiya maalmahan waa mid yaab leh run ahaantii” Ayuu yidhi Yemane Gebremeskel, Wasiirka Warfaafinta ee Ereteriya, waxa uu intaasi raaciyey “Maalin kasta, waxa sii kordhaya oo aan aragnaa wax ka beddelka iyo khiyaamada taariikhda qadiimiga ah iyo ta casriga ah ee ka taagan Gobolkan. Diidmada fool xumida ee xeerarka caalamiga ah ee khuseeya; iyo dib-u-cusbooneysiinta mas’uul darada ah ee agendaha kicinta khilaafka”
Yemane waxa uu hoosta ka xariiqay in ay jiraan ololeyaal siyaasadeed iyo dacaayado ku saabsan kicinta xiisadaha iyo rabshadaha, kuwaas oo laga yaabo inay sii hurinayaan dagaal ama khilaaf daba dheeraada oo saamayn xun ku yeesha Geeska Afrika

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.