
“Dumar iyo haween baa
Nolol lagu hawaystaa.” — Hooyo, 1973.
–Hadraawi .
Sannad kasta 8-da bisha March waa maalin loo aqoonsaday xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, iyadoo lagu muujiyo xuquuqda iyo doorka Haweenka ku leeyihiin bulshada iyo siyaasadda, sidoo kale waa maalin la soo bandhigo caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee Haweenku dhibane u yihiin.
“Dhammaan Haweenka iyo Gabdhaha dunida: Xoojinta Horumarka, Xuquuqda, iyo Sinnaanta.” Waa hal-ku-dhigga ay sannad kan QM u dooratay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka.
Taariikhda xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka.
Xuska maalintan wuxuu salka ku hayaa kacdoonnadii haweenku sameeyeen qarniyadii hore si ay u helaan xuquuqdooda, u gana baxaan caqabadaha dhaqan-dhaqaale ee haystay.
Maalinta Haweenka Aduunka, waxa markii u horreesay la xusay sannadkii 1908-dii, ururka dhaqdhaqaaqa shaqaalaha rayid ka ayaa maalintan ku xusay sinnaan jinsiyeed oo xuquuqda shaqaalaha ah. Sannad kaas ku dhawaad 15,000 oo haween oo Maraykan ah ayaa bannaanbax ballaadhan isugu soo baxay magaalada New York, si ay u dalbadaan xuquuqo shaqaale, sida sinnaan mushahar iyo dhimista saacadaha shaqaale.
Kacdoonkii haweenka Ruushka ee 1917, oo sababay isbeddello siyaasadeed, ayaa sii xoojiyay muhiimadda maalintan, waxaana ugu dambeyn Qaramada Midoobay si rasmi ah u aqoonsatay sannadkii 1977. Clara Zetkin ayaa ahayd shakhsiyadkii aad ka ugu ololeeyay hirgelinta maalintan, iyadoo qayb ka ahayd shirar kala duwan oo lagaga arrinsanaayay hirgelinta maalinta caalamiga ah ee Haweenka.
Xuska maalinta oo ku astaysan wacyi gelin iyo baaq ku aaddan in la soo afjaro tacaddiyada ka dhanka haweenka addunka, haddana weli waxa muuqata inay jirto sinnaan la’aan jinsiyeed, cadaadis dhaqan-dhaqaale iyo xadgudubyo kala duwan. Dumarka Soomaalida oo kaalin weyn u gu jira bulshada Soomalida, ayaa la kulma caqabado dhaqan-dhaqaale, doorka siyaasadda ay ku leeyihiin aad buu u hooseeyaa.
Maalinta Caalamiga ah ee Haweenku waa wacyi gelin muujinaysa in loolanka loogu jiro sinaanta uusan dhammaan, balse uu u baahan yahay dadaal joogto ah. Waa maalin ay haweenku codkooda muujiyaan, loona baahan yahay in bulshadu miyirsadaan oo ay garab istaagaan xaqiijinta xuquuqda Haweenka.