
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in Yurub ay ku sugan tahay marxalad kalaguur ah, taasoo u baahan in la xoojiyo difaaca iyo madax-bannaanida amniga Qaaradda. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Yurub aysan sii wadi karin ku tiirsanaanta xulafadeeda dhaqameed, gaar ahaan Mareykanka, si loo ilaaliyo danaha amniga ee qaaradda.
Arrintan ayaa timid xilli ay sii xoogeysaneyso walaaca la xidhiidha hoos u dhaca taageerada Mareykanka ee Ukraine. Go’aankii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in la joojiyo gargaarka militariga ee Kyiv, islamarkaana la hakiyo xog-isweydaarsiga sirdoonka, ayaa dhaliyay shaki iyo cabsi ku saabsan awoodda Yurub ay ku furdaamin karto xaaladdaha amni ee sii cakirmaya.
Si looga jawaabo xaaladda, madaxda Midowga Yurub ayaa ku shiraya Brussels si ay u dejiso istiraatiijiyad difaac oo mideysan. Waxaa la filayaa in shirkaas lagu meel mariyo hindisaha “ReArm Europe,” oo ay soo bandhigtay Ursula von der Leyen, Madaxweynaha Guddiga Yurub. Hindisahan ayaa loogu talagalay in lagu kordhiyo miisaaniyadda iyo awoodda difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Madaxweyne Macron wuxuu sidoo kale soo jeediyay in cududda nuclear-ka ee Faransiiska loo adeegsan karo difaaca xulafada Yurub, maadaama uu yahay dalka keliya ee reer Yurub ah oo haysta awooddan. Arrintan ayaa muujinaysa sida uu u sii adkaanayo loollanka amniga ee Yurub.
Dagaalka Ukraine oo galay sannadkiisii saddexaad ayaa weli socda, waxaana Macron uu xusay in guusha Ruushka aysan ahayn mid la oggolaan karo. “Ruushka looma ogolaan karo inuu guuleysto,” ayuu yidhi isaga oo ku baaqaya in Yurub ay si cad u wajahdo khatarta ka soo socota Moosko.
Go’aamada la gaadhi doono maalmaha soo socda ayaa yeelan doona saameyn weyn oo go’aamin doona jihada Yurub. Mideysanaanta dalalka Yurub iyo mas’uuliyadda amni ee qaaradda ayaa xaaladdan cakiran lagaga biixi kara.