
Fadhigii baarlamaanka Serbia ee saaka Talaadadii furmay ayaa isku beddelay mid rabshado iyo buuq ka dhasheen, kaddib markii xildhibaanada mucaaradka ay sunta dadka ka ilmeysiisa iyo qiiq ku dhex rideen hoolka baarlamaanka.
Rabshadaha ayaa ka dhashay markii xildhibaanada xisbiga talada haya ee Serbian Progressive Party (SNS) ay ansixiyeen ajandaha kulanka, taasoo keentay in xildhibaano ka tirsan mucaaradka ay u dhaqaaqaan dhanka guddoomiyaha baarlamaanka, taasoo sababtay gacan-ka-hadal dhex maray mucaaradka iyo ilaalada ammaanka.
Guddoomiyaha baarlamaanka, Ana Brnabic, ayaa sheegtay in labo xildhibaan ku dhaawacmeen rabshadaha, mid ka mid ah oo ka tirsan xisbiga SNS, uu istroke ku dhacay, islamarkaana xaaladdiisa ay aad u liidato.
“Baarlamaanka wuu sii shaqeyn doonaa, wuxuuna difaaci doonaa Serbia,” ayay tidhi intii uu fadhigu socday.
Inkasta oo xiisaddu xoogeysatay, fadhigii baarlamaanka ayaa sii socday, waxaana xildhibaanada xukuumadda ay sii wadeen doodaha, halka mucaaradkuna ay afuufayeen hoon buuq badan.
Tan iyo afartii bilood ee u dambeeyey dibadbaxyo ay ardaydu hogaaminayeen ayaa gilgilay dalka Serbia, kuwaasoo helay taageero iyo aqlabiyadda bulshada dalka.
Kacdoonkan ayaa noqday halista ugu weyn ee soo food saartay Madaxweyne Aleksandar Vucic, oo tobanaan sano xukumayay dalka, iyada oo dad badan ay ku eedeynayaan musuqmaasuq iyo maamul-xumo.
Gudaha baarlamaanka, xildhibaannada mucaaradka ayaa sidoo kale sitay boodhadh ay ku qornaayeen “Shaqo-joojin guud” iyo “Cadaalad u raadinta dadkii la dilay”. Dhanka dibadda, dibadbaxayaal tiro badan ayaa aamusnaan ugu baroor diiqayay 15 qof oo ku dhintay burburkii saqafka saldhigga tareen ee bishii November—dhacdadan oo ah sababta kacdoonka socda.
Hoggaamiyeyaasha mudaaharaadyada ayaa ku baaqay bannaanbax ballaadhan oo ka dhici doona Belgrade 15-ka March, iyagoo dalbanaya jawaab cad oo la xidhiidha sababta ay u dhacday musiibadaas, iyagoo ka cadhaysan sida dowladdu uga gaabisay baadhitaanka dhacdadaas.Taasoo carisy oo kicisay dareen ka shacabka ee ku aaddan musuqmaasuqa hadheeyay mashaariicda dhismaha dalka.
Baarlamaanka ayaa Talaadadii qorsheeyay inuu meel mariyo xeerar sare u qaadaya miisaaniyadda jaamacadaha, taasoo ka mid ah dalabaadka ugu muhiimsan ee ardaydu hor dhigeen xukuumadda. Waxa kale oo ajandaha fadhiga ka mid ahayd in laga doodo iscasilaadda Ra’iisul Wasaare Milos Vucevic.
Si kastaba ha ahaatee, qodobo kale oo ay xukuumaddu ku dartay ajandaha ayaa kiciyay cadho badan, oo sababtay in fadhiga baarlamaanku isu beddalo rabshad iyo buuq.