
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya xaalad adag kaddib markii uu dib u soo celiyay xidhiidh ka Itoobiya iyo Soomaaliya, xilli labada dal ay sanadkii la soo dhaafay ku jireen khilaaf siyaasadeed.
Tallaabadan degdega ah ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku xoojiyay xidhiidh ka Itoobiya ayaa walaac ku abuuray xulafadiisii hore, gaar ahaan Eritrea iyo Masar, kuwaas oo aan xidhiidh wanaagsan la lahayn Itoobiya.
Khamiistii la soo dhaafay, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Muqdisho, halkaas oo uu wada-hadallo kula yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.
Booqashadan waxa ay daba socotay dadaallo dhexdhexaadin ah oo uu sameeyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, kasoo ay ku taageerayeen xulafadiisa reer Yurub.
Wadahadallada labada hoggaamiye ayaa diiradda saaray sidii loo dejin lahaa xiisaddii ka dhalatay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen horraantii sanadkii 2024. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanayay in ay hesho marin badeed, saldhig ciidan oo 20km ah, iyo dekad ay isticmaasho.
Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Khamiistii ayaa lagu sheegay in kulanka labada hoggaamiye lagu lafaguray xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo arrimaha bulshada.
Labada dhinac ayaa adkeeyay xidhiidhka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iskuna raacay in la dhowro madaxbannaanida iyo xornimada dal walba.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya soo dhaweynta, isaga oo ku tilmaamay kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh mid miro dhal ah.
Abiy Axmed, oo hadal kooban ku qoray bartiisa X, ayaa sheegay in ay wadahadallo qoto dheer yeesheen Madaxweyne Xasan, kuwaas oo ku saabsanaa arrimaha nabadda, amniga, dhaqaalaha, iyo iskaashiga dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.
Inkastoo kulankaas loo arki karo mid fursado cusub u abuuri kara gobolka, haddana isbeddelka siyaasadeed ee Muqdisho waxa uu huriyay xiisado cusub, gaar ahaan dhanka Eritrea iyo Masar, oo ah dalal si weyn uga soo horjeeda Itoobiya.
Sabtidii, wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Dr. Badr Abdelatty, ayaa gaaray caasimadda Eritrea ee Asmara, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki.
Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, shirkaasi waxa uu diiradda saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dagaalka Soodaan, xasilloonida Soomaaliya, iyo caqabadaha amni ee ka taagan Geeska Afrika iyo Badda Cas.