Xog dhamaystiran oo ku saabsan Lacagta Solana

Solana waxay ku abtirsataa bahda blockchain ka waxaa la aasaasay sannadkii 2017-kii, waa mashruuc daah-furan oo ay hadda maamusho Solana Foundation oo fadhigeedu yahay Geneva.

Solana waxaa hindisay koox uu hogaaminayo Anatoly Yakovenko. Yakovenko waa injineer software iyo shaqaale hore oo Qualcomm ah oo aasaasay Solana Labs, shirkadda ka dambeysa borotokoolka Solana blockchain. Mashruucu wuxuu si rasmi ah u bilaabay 2020, tan iyo markaas, waxa uu soo jiitay dareenka iyo maalgashiga ilo kala duwan sababtoo ah habka cusub ee kobcinta iyo waxqabadka booska blockchain.

Solana waxay kaga duwan tahay blockchain ka kale dhanka xawaaraha oo waxaa loo qaabeeyey inay si dhakhso leh ay markiiba transections badan u filin karto daqiiqado kooban gudahood iyadoo waliba khidmadeeduna tahay tan ugu yar, 65,000 oo transactions ayay halkii ilbidhiqsiba fulisaa oo adeegeedu qabtaa, waxayna adeegsataa hab gaar ah oo lagu talo galay wax kala iibsiga iyo kala badalashadaba kaas oo loo yaqaan Proof of History. Qodobkan ayaa tilaan fiican u ah mid ka dhakhso badan oo ka waxtar badan shabakadaha kale ee blockchain.

Solana waxay kaalinta lixaad kaga jirtaa liiska Cryptocurrency ugu caansan dunida. Qiimaha ay hada suuqa ka joogto halkii coin ee Solana ahi waa $127.

Guud ahaan qadaadiicda (Coins-ka) loogu talo galay in ay suuqa soo galaan waxay dhan yihiin 596 33 milyan SOL, balse hada waxaa suuqa ku jira 509.92 milyan SOL. Dhanka kale qiimaha guud ee ay suuga ka taagan tahay guud ahaan Solana wuxuu caga cagaynayaa $64.7 bilyan.

Maxaa laga filan karnaa Solana?

Solana waxay leedahay mustaqbal fiican, waxayna maraysaa meel ay horu kac fiican ka samayn karto, inkastoo bilihii ugu dambeeyey ay la kulantay hoos udhac weyn oo 75% ka hoos martey qiimihii ay gaadhey bishii December ee sannadkii hore.

Waxyaabaha laga filan karo Solana ayaa ah in ka hor intaysan hiigsan figtii ay hore u gaadhay qiimo ahaan oo ahaa $294 ay suurta gal tahay in hoos u dhac samayso oo ay dib uugu laabato $110, kadina ay sii wadato hayaan keeda.

MMTV marwalba waxay ku xasuusinaysaa oo kaaga digaysaa halista suuqan, hadaadan aqoon ulahayn ka fogow.


Mohamed DEEQ

4.5 2 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest


1 Comment
Most Voted
Newest Oldest
Inline Feedbacks
View all comments
+252634695813
+252634695813
March 23, 2025 12:03 am

cumar cabdi muxumad