Shiinaha iyo Ruushka Oo Taageero Buuxda U Muujiyey Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.

Shiinaha iyo Ruushka ayaa ku dhawaaqay taageero buuxda oo ay u hayaan barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan, kadib wadahadallo heer sare ah oo ka dhacay Beijing.

Labada dal ayaa ku baaqay in Iiraan ay xaq u leeyahay horumarinta barnaamijkiisa nukliyeerka ee loogu talagalay isticmaalka dhanka tamarta, isla markaana ay lama huraan tahay in la baabi’iyo dhammaan xayiraadaha saaran.

Iiraan ayaa marar badan ku adkeystay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid loogu talagalay isticmaalka dhanka tamarta, inkastoo ay jiraan walaacyo caalami ah gaar ahaan hay’adda Caalamiga ah ee Korjoogteynta Tamarta Nukliyeerka (IAEA) oo sheegtay in heerka uranium-ka ee Iiraan uu u dhow yahay in ay si rasmi ah u samaysato hubka nukliyeerka.

Wadahadallada Beijing ayaa dalka ku haya isku day ay ku doonayaan Shiinaha iyo Ruushku in ay dhisaan nidaam caalami ah oo madax bannaan cadaadiska Maraykanka, isla markaana ay taageeraan Iiraan si uu uga gudbo caqabadaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee horyaalla.

Maxamed DEEQ

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest

0 Comments
Most Voted
Newest Oldest
Inline Feedbacks
View all comments