Guryo duullaaya marka ay dareemaan dhul gariir oo wadanka Japan hindisay.

"Dhulgariir Ma Joojin Kartid, Balse Gurigaaga Wuu Ka Badbaadi Karaa." Halku dhiga reer Japan

Japan waxay soo kordhisay hab casri ah oo lagu sugo badqabka guryaha marka dhulgariir dhaco. Shirkadda Air Danshin ayaa samaysay nidaam gaar ah oo guryaha ka ilaaliya burburka, iyadoo isticmaalaysa hawo cadaadis leh si ay guryaha dhulka uga qaaddo marka dhulgariir bilowdo.

Gurigu wuxuu caadi ahaan dul saaran yahay bac weyn. Marka dhulgariir dhaco, dareemayaal ku rakiban bacda ayaa si dhakhso ah u ogaada gariirka, kadibna mishiin hawada cadaadiya ayaa bacda si degdeg ah ugu buuxiya hawo, taasoo guriga dhulka ka qaadaysa. Inta dhulgariirku socdo, gurigu wuu sabbaynayaa, markuu joogsadana, mishiinku wuxuu si tartiib ah hawada uga sii daayaa bacda, si gurigu si nabad ah ugu soo noqdo dhulka.

Nidaamkan ayaa horey u badbaadiyey guryo badan xilligii dhulgariir xooggan oo cabirkiisu ahaa 7.3 uu Japan ku dhuftay sanadkii 2021, waxaana la xaqiijiyay inuu aad u yareeyo waxyeellada dhulgariirku keeni karo.

Japan waxay sidoo kale isticmaashaa qalab casri ah oo la socda dhaqdhaqaaqa dhulka iyo foolkaanaha, taasoo u fududaynaysa dadka inay si degdeg ah uga falceliyaan khataraha dhulgariirka.

Mohamed DEEQ

0 0 votes
Article Rating
Subscribe
Notify of
guest

0 Comments
Most Voted
Newest Oldest
Inline Feedbacks
View all comments