FBI-du waxay Arbacadii shaacisay in Kuuriyada Waqooyi ay mas’uul ka tahay, weeraro lagu xaday lacag gaadhaysa 1.5 bilyan oo dhijitaal ah, taas oo laga dhacay shirkadda is-weydaarsiga cryptocurrency-ga ee ByBit.
Hay’adda FBI-du waxay weerarkan u aqoonsatay “Ganacsi Khiyaamo ah” kaasoo ah hawlgal ay sheegtay in lagu beegsanayo xarumaha maaliyadeed ee dhijitaalka ah.
“Kooxaha dambiilayaashu waxay si xowli ah u wadaan hawlaha lacag beddelashada, iyagoo hantidii la dhacay u rogay bitcoin iyo lacagaha kale ee dhijitaalka ah, kuwaas oo loo kala qaybiyay kumannaan cinwaan oo ku kala firidhsan shabakado kala duwan,” ayay FBI-du ku sheegtay bayaan ay soo saartay.
FBI-du waxay intaas ku dartay in la filayo in hantidan la sii beddalo, ugu dambeyntiina loo rogo lacag rasmi ah.
xigasho; By Reuters