Madaxda Carabta ayaa lagu wadaa inay Jimcaha ku kulmaan dalka Sucuudiga si ay uga tashadaan qorshaha Madaxweyne Donald Trump uu dadka marinka Qasa ku nool ku barakicinayo, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dawladeed.
Dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga, Maxamed bin Salmaan, ayaa martiqaaday madaxda dalalka Khaliijka, Masar iyo Urdun.
Qorshaha Trump wuxuu mideeyay dalalka Carabta oo si wadajir ah uga hor yimid, hase yeeshee, weli waxaa taagan khilaafaad la xidhiidha cidda maamuli doonta marinka Qasa iyo sida dib loogu dhisi doono.
Cumar Kariim oo ah, oo ah khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda ee Sucuudiga, ayaa shirkan ku tilmaamay midkii ugu saameynta badan ee qabsooma ku dhawaad muddo tobanaan sano ah, isagoo xusay in go’aannada ka soo baxa ay saamayn ballaadhan ku yeelan doonaan dunida Carabta iyo qadiyadda Falastiin.
Qorshaha Trump ayaa kiciyay gadood kaddib markii uu ku dhawaaqay qorshe uu Maraykanku ku la wareegayo marinka Qasa iyo in 2.4 milyan oo qof oo halkaas ku nool la dejiyo waddamada Masar iyo Urdun ee deriska la ah.
Madaxweynaha Urdun, Boqor Cabdallaha 2-aad oo la kulmay Trump 11-kii February, ayaa sheegay in Masar ay diyaarin doonto qorshe la xidhiidha mustaqbalka Qasa.
Ilo-wareed dhanka amniga ah oo Sucuudiga ka tirsan ayaa sheegay in wada-hadalladu diiradda saari doonaan “ qorshaha Masar”.