𝐈𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐚𝐲𝐬𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫, 𝐢𝐲𝐨 𝐜𝐚𝐛𝐬𝐢𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥 𝟑𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐚𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚.
Xiisada ayaa kor u kacday iyadoo la filayo in Iran ay ka aargoosato Israa’iil.
Israa’iil ayaa weerar ku qaadday Isniintii qunsuliyadda Iran ee dimishiq, oo ay ku dishay toddobo xubnood oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Kacaanka Islaamiga ah ee (IRGC), oo ay ku jiraan laba sarkaal oo muhiim u ahaa ciidammada Qudus, ee caasimadda Suuriya ee Dimishiq.
Tehran ayaa sheegtay in jawaab kasta oo militari oo ay Iran ay ka bixiso weerarkii dhimashada lahaa ee Israa’iil ay ku qaaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq in la baajin lahaa haddii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cambaareeyo weerarka Israel.
Weerarka Israa’iil iyo aargoosiga Iiraan ee la filayo ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo dagaal gobolka oo dhan saameeya oo ka dhaca Bariga Dhexe iyadoo ay xiisaddi ka taagan tahay Qaza.
Iran ayaa ballan qaaday in ay ka jawaabayso weerarkaas ka dib markii qunsuliyadii ay ku lahayd caasimadda Suuriya ee Dimishiq lagu burburiyay weerar gantaal oo Israa’iil fulisay.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Hossein Amir-Abdollahian, ayaa Khamiistii taleefoon kula xidhiidhay dhiggiisa Qatar, Sacuudiga, Imaaraadka, Ciraaq iyo Jarmalka.
Hadii Iran ka jaawabto oo ay weerarto Israa’iil ama ay daneeda beriga dhexe weerarto waxaa laga cabsi qabaa in dagaalku ku faafo gobolka, quwadaha dunidu la kala saftaan labada dhan, taas oo hor seedi karta soona dedejinta karta dagaal iyo qalalaase dunida aafeeya, dadka qaar ayaa qaba in tani dhabaha u xaadhayso dagaalka 3aad ee dunida.