𝐌𝐚𝐫𝐚𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐈𝐬𝐫𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐥 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐚𝐧𝐣𝐚𝐛𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐭𝐚𝐚𝐠𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝𝐢𝐢𝐬𝐮 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐧 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐠𝐚𝐫𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐳𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐟𝐚𝐬𝐚𝐱𝐨.
Wareysi uu dhawaan bixiyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayuu ku muujiyay in uusan raali ka aheyn sida uu u maareeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu xaaladda Gaza.
Biden waxa uu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in Gaza ay hesho cunto iyo dawo todobyada soo socda.
Waxa uu ka digay in taageerada joogtada ah ee Maraykanka uu siiyo Israa’iil ay ku xidhan tahay kordhinta gargaarka bini’aadantinimo ee Gaza.
Israa’iil waxay beenisay inay caqabad ku tahay gelitaanka gargaarka Gaza waxayna ku eedaysay hay’adaha Qaramada Midoobay inay sabab u tahay guul-darrooyinka qaybinta gargaarka.
Cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojinta ayaa sii kordhaya iyadoo ay jiraan wadahadallo fashilmay.
Biden waxa uu cambaareeyay duqaymaha ay ciidamada Israa’iil ku hayaan shaqaalaha gargaarka, waxa uuna ku baaqay xabad joojin.
Israa’iil waxay qiratay in khalad aad u weyn uu ahaa duqayntii shaqaalaha gargaarku, taasoo keentay in shaqada laga eryo saraakiil sare.
Waxaa sii kordhaaya cadaadiska gudaha ee saaran Biden ee ku saabsan Israa’iil, laakiin gargaarka milatari ee Israa’iil ee Maraykanka siiyo ayaa sii socda.