Kofeega wuxuu leedahay taariikh qani ah oo kala duwan oo qarniyo badan soo jirtay. Asal ahaan beerashada kafeega ayaa la rumeysan yahay in ay ka soo jeedo Itoobiya, kaas oo dib ugu qononaaya qarnigii 9aad. Sida la wariyo waxaa jirta hal sheeko oo caan ah taas oo salka ku haysa sidii lagu ogaaday waxtarka kofeega, Nin xoolo-dhaqato ah oo lagu magacaabi jiray Kaldi ayaa ogaaday in riyihiisu ay noqdeen kuwo tamar iyo firfircooni aan caadi ahayn yeeshay ka dib markii ay cuneen midhaha geed gaar ah. Isaga oo arinkan xiisaynaaya, wuxuu isku dayay in uu ogaado midhahan layaabka leh in uu isna tijaabiyo wuxuuna la kulmay saameyn la mid ah midii uu ku arkay ridiisii. Cajiib!! Warkii ayaa faafay, aakhirkiina, beerashada kafeega iyo cunista ayaa ku fiday Jasiiradda Carabta oo dhan iyo caalamka oo dhan.
Coffee-ga waa cabitaanka saddexaad ee ugu caansan Adduunka marka laga reebo Biyaha & Shaaha.Coffee-gu wuxuu kaalin muuqata ku leeyahay hawlaha bulshooyin badan. Kafeega ugu qabatinka badan waxaa la heley gobolka Waqooyi bari ee dalka Itoopia (Ethiopia)
Xilligan casriga ah, kafeegu waxa uu noqday mid ka mid ah cabitaannada ugu badan ee la isticmaalo adduunka oo dhan, iyada haba kala duwan loo sameeyo. Muhiimadeeda dhaqameed ayaa weli ah mid xoogan, iyadoo kafeega uu door ka ciyaarayo isu imaatinka bulshada, shirarka ganacsiga, iyo hawl maalmeedka aduunka oo dhan.
Digniin, Ka hor intaynaan ka hadal faa’iidooyinka caafimaad ee Bunka aynu ka horumarino digniintan ay tahay in aad ogaato
Dumarka uurla leh iyo qofka bukaanka ah guud ahaan xanuun kasta oo uu qabo, waxaa muhiim ah inta aanu bun cabbista bilaabin in uu la tashado dhakhtar xaaladdiisa ka war haya ama takhasuuska ah.
Xadiga koofinta ah ee ku jirta jidhka haday ka badato inta maalintii qofku qaadan karo waxay keeni kartaa halis caafimaad.
Iska jir in aad bunka sonkor ku darto.
Iska jir bunka ama cabbitaan kastaba in aad ku cabto kulaylka aadka ah, waayo daraasado kala duwan ayaa ka marag kacaya in Kansarka hunguriga ku dhacaa uu xidhiidh la leeyahay kulayla cabbitaanka oo dhaawaca dhuunta, sida oo kale waxa uu sababi karaan nabarro gubasho oo ku samaaysma hunguriga.
“Faa’iidooyinka Caafimaadka ee Bunka”:
Iyadoo isticmaalka xad-dhaafka ah ee kafeega uu yeelan karo saameyn xun, qaadashada kafeega dhexdhexaadka ah waxay la xidhiidhaa faa’iidooyin caafimaad oo dhowr ah, oo ay taageerayaan daraasado badan:
Daraasada ayaa lagu ogaaday in dadka cabba bunka ama qaxwada badan ay yartahay halista ah in ay ku dhacaan cudurrada beerka iyo qaar ka mid ah noocyada kansarka iyo waliba in ay yartahay halista ah in u qofka madaxa dhiig kaga furmo.
Balse daraasadda ma aysan caddeyn in cabidda bunka uu sabab u yahay arrimhan. Daraasadda ayaa muujinaysa in hooyada marka ay uur leedahay misana aadka u cabta bunka uu waxyeelo u gaysan karo.
Khubarada ayaa ku taliyay in dadka aysan ku kicin cabbida qaxwada iyagoo caafimaad ka doonayo.
Cilmibaadhayaashani oo ka socday jaamacadda Southampton ayaa waxay soo uruuriyeen macluumad la xidhiidha saamaynta uu bunka ku yeelanayo jidhka bina’aadamka.
Waxaa cilmibaadhayaashu ay tijaabo ku sameeyeen 200 oo daraasadood oo intooda badan laga sameeyay saameeynta cabbidda bunka.
- Bunku waxa uu kordhiyaa tamarta qofka, waxa aanu yareeyaa dareenka daalka iyo burburka jidhka, taas oo ay sababteedu tahay maadadda Caffeine ee ku jirta. Marka uu qofku bunka cabbo jidhka ayaa nuuga kaddibna waxa uu raacaa dhiigga isaga oo sidaas ku gaadha maskaxda. Caffeine tu marka ay maskaxda gaadho waxa saamayn ku yeelataa shaqada qaybo ka mid ah dareen-sideyaasha taas oo sababta in ay xoogeysato shaqada unugyo neerfeedku.
- Bunku wuxuu xoojiyaa awooda difaaca jidhka wuxuuna ka ilaaliyaa unugyada jidhka in uu dhaawaca ama wax yeelo soogaadho.
- Bunku waxa uu xoojiyaa xusuusta waxa kale oo uu wanaajiyaa dabeecadda iyo xaaladda nafsadeed ee qofka.
- Bunku waxa uu kordhiyaa heerka hormoonka Adrenaline ka, oo ah hormoon jidhka u diyaariya shaqada culus. Sidaas awgeed bunku waxa uu wanaajiyaa shaqada jidha oo uu ka saaro wahsiga iyo daalka.
- Bunku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka beerka oo la aaminsan yahay in uu ka hortago beerka oo burbura ama shaqadiisa gaabiya. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka Kansarku. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka u uku dhaco kansarka gacanta iyo malawadka.
- Maadadda Caffeine waxa ay awood u leedahay in ay xoojiso heerka dheefshiidka cuntada. Sidaas awgeed waxa uu bunku caawiyaa gubista xaydha iyo dufanka, sidaas awgeedw axa uu la dagaalamaa caloosha.
- Cilmibaadhiso lagu sameeyey maadadda Caffeine ayaa lagu ogaaday in ay awoood u leedahay gubista boqolkiiba 10 xaydha dadka buurnidu ku badan tahay.
- Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka macaanka noociisa labaad. Cilmibaadhis lagu sameeyey arrintanina waxa ay iftiimisay in qofka sida joogtada ah bunka u cabba ay ku yar tahay cabsida ah in uu ku dhaco xanuunka macaanku. Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in koob bun ah oo la cabbaa ay boqolkiiba 7 hoos u dhigayso khatarta ah in macaan uu qofka ku dhaco.
- Bunku waxa uu ka hortagaa khatarta ah in qofka u uku dhaco wadne xanuunku. Koob ama laba bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa ay caawisaa ka hortagga wadne xanuunka iyo in wadnuhu uu ka gaabiyo xaaladda dadka qaar ku dhacda ee ah in wadnuhu uu awoodi kari waayo in uu jidhka gaadhsiiyo xaddi ku filan oo dhiig ah.
- Bunku Waxa uu yareeyaa khatarta xanuunka qallalka gariirka wata keena ee Parkinson’s oo burburiya habdhiska neerfaha qofka. Unugyada maskaxda ayaa ku guuldarraysta in ay soo daayaan xaddiga loo baahan yahay ee maadadda kiimikaad ee Dopamine. Xaaladaha uu xanuunka Parkinson’s keeno waxaa ka mid ah dhibaato dhinaca dhaqaaqaaqa jidhka ah, gariir xoog badan, iyo maskaxda oo awoodi kari weyda in ay isku xidho xarakaadka ay xubnaha jidhku samaynayaan.
- Bunku waxa uu ka hortagaa in hidde sidaha DNA uu qaybo u jajabo. Waa arrin dabiici ah in DNA uu jajabo, laakiin haddii uu jidhku awoodi waayo in uu dib u kabo waxaa ka dhasha xanuunka Kansarka.
- Xarunta caafimaadka ee caanka ah ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet warbixin ay ku baahisay waxa ay ku sheegtay in cabbista Bunku ay yarayso xanuunka Alzheimer. Cilmibaadhayaal arrintan daraaseeyey ayaa ogaaday in dumarka da’doodu 65 jir iyo ka weyn tahay ee bunka maain kasta cabba in ay yartahay khatarta ah in uu asaasaq ku dhaco.
- Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in maskaxda uu dhiig ku furmo ama ka xidhmo.
Dhibaatooyinka caafimaad ee bunka.
Inkasta oo uu bunku leeyahay faa’iidooyinkaas tirada badan ee aynu badankooda qaybtii hore ee qormadan ku soo aragnay, haddana waxa uu cilmigu ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro oo bunku uu qofka ku keeni karo, gaar ahaan marka uu qofku isku badiyo cabbista bunka ama markiisa hore uu leeyahay xaalado caafimaad darro oo bunku uga sii dari karo. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah:
- Bunku waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha.
- Bunka oo la isku badiyaa waxa uu qofka ku keenaa xaalado nafsadeed ay ka mid yihiin walaac iyo cadho badan.
- Bunku waxa uu raad xun ku yeeshaa hurdada oo uu dadka qaar ka yareeyo.
- Bunku waxa uu keenaa calool olol.
- Bunku waxa uu si ku meelgaadh ah u kiciyaa dhiigga, laakiin isagu ma keeno dhiigkar. Sidaas awgeed waxa fiican in qofka dhiigkarka lihi uu ka taxaddaro cabbista bunka.
Intee ay tahay in bunka laga cabbo?
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ya ku talinayaan in qofku aanu maalintii ka badsan 3 koob oo bun ah, laakiin dhibaato kuma ay sheegin in uu illaa shan koob gaadho. Inkasta oo ay tahay in loo eego hadba xaaladda caafimaad ee qofka.
Caadi ahaan ma fiicna in jidhka uu galo xaddi ka badan 400 oo miligraam oo maadadda Caffeine ahi maalin kasta.Waxaa xusid mudan in tirada koobabka bunka laga cabbayaa ay aad ugu xidhan tahay xaddiga Caffeine ta ee koob kasta ku jirta.