Isbitaalo badan oo ku yaal Shiinaha ayaa joojiyay bixinta adeegyada dhallaanka cusub sannadkan, sida uu sheegay wargeyska Daily Economic News ee dawladdu taageerto, iyada oo khubarada warshadahu ay ka digayaan “masiibada dhalmada” sababtoo ah baahida hoos u dhacday iyada oo ay jirto hoos u dhac rikoor ah ee dhalmada cusub.
Isbitaalada ku yaal gobolo kala duwan oo ay ku jiraan bariga Zhejiang iyo koonfurta shiinaha ayaa labadii bilood ee la soo dhaafay ku dhawaaqay inay xidhi doonaan waaxyadooda dhalmada.
Isbitaalka Shanaad ee Dadka ee Magaalada Ganzhou ee Jiangxi ayaa ku sheegay akoonkeeda rasmiga ah ee WeChat in adeegyada dhalmada la hakinayo gudaha bishani march.
Cusbitaalka Jiangshan ee Zhejiang ee dawooyinka dhaqameed ayaa ku dhawaaqay boggiisa WeChat in ganacsigiisa dhallaanka uu joogsan doono .
Xiritaannada ayaa imaanaya iyadoo siyaasad-dejiyeyaasha Shiinuhu ay la halgamayaan sidii kor loogu qaadi lahaa rabitaanka lammaanaha da’da yar ee ah inay carruur dhalaan iyadoo mas’uuliyiintu ay wajahayaan madax-xanuun bulsho oo sii kordheysa oo ah bulsho aad u gabowday.
Tirada dadka Shiinaha ayaa hoos u dhacday sanado isku xiga oo xidhiidh ah , iyadoo heerka dhalashada ee rikoodhka hooseeya iyo dhimashada sare ee COVID-19 ay sii kordhisay hoos u dhac ay saraakiishu ka cabsi qabaan inay saameyn dheer ku yeelan doonto kobaca dhaqaalaha.
Xogtii ugu dambeysay ee laga helay Komishanka Caafimaadka Qaranka Shiinaha ayaa muujisay tirada cosbitaalada dhalmada oo hoos ugu dhacday 793 iyadoo wakhtiyadii hore ay dhic jirtay in adeegyo caafimaad oo dhanka dhalmada ah loo fuliyo tiro tan ka badn .