Maxay kawada hadleen madaxda Wadamada Soomaaliya iyo Ereteriya ?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xidhiidhka iskaashiga labada dal, Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Afwerki dadaallada dawladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.
Kulanka kadib labada Madaxweyne ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.