Tahriibayaal lagu la’yahay Dalka Tunisia.

Ugu yaraan 34 qof oo tahriibayaal ah ayaa la la’yahay 2 kalana waa ay dhinteen, kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay dalka Tunisia, xilli ay doonayeen in ay uga sii gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dhanka Talyaaniga, sida ay sheegeen ilaalada xeebaha Tunisia.