Sheekada Dad kaadidooda caba oo cuna Hilibka dadka.

Hindiya waa wadan cajaa’ib badan oo ay ku nool yihiin bulsho kala dhaqan duwan oo qolo walba ay aaminsan tahay waxyaabo aad layaabayso.
Barnaamijkeena maanta waxaan ku soo qaadan doonaa bulshada looyaqaan Aghoris oo caan ka ah wadanka Hindiya.

Aghoris waa dad ku nool Hindiya oo aamin san waxyaabo layaableh oo u gaar ah iyaga. Waxay aaminsan yihiin in wax walba ay isku xidhan yihiin, waxay aamin sanyihiin in caadooyinka dadka kale iyo sharciyadooda laga duwanaado ay tahay dhaqan wanaagsan.
Waxay cunaan hilibka qaydhin, waxay cabbaan kaadidooda, mararka qaarkoodna xitaa waxay cunaan hilibka bini’aadamka sababtoo ah waxay aaminsan yihiin inay ka caawiso inay si fiican u fahmaan nolosha.

Waxay aad ugu badan yihiin oo ku nool yihiin meel u dhow goobaha meydadka lagu gubo iyagoo aaminsan in ay tani xasuusinayso in noloshu tahay mid ku meel gaadh ah.
Waxa ay ismariyaan dambas cad oo ah dambaska maydka la gubay ka soo hadhay iyagoo si ay u muuhiyaan in ay iska dhaafeen xidhiidhkii adduunyada.

Aghoris waxay leeyihiin dhaqamo kala duwan, badanaa nadaafadda shakhsi ahaaneed ahmiyad ma siiyaan iyadoo ay ugu wacan tahay qaab nololeedkooda aan caadiga ahayn, dhaqamadooda maydhsigu way ka duwanaan karaan caadooyinka caadiga ah.
Guud ahaan, Aghoris waxay leeyihiin dhaqamo layaableh oo aad layaabaysid, kuwaas oo dhammaantood ku aroora in ay ka khilaafaan dhaqamada aadamaha waana sababta ay u sameeyaan waxyaabo cakisku ah waxaad taqaanay.