Lil Jon ayaa si rasmi ah u qaatay diinta islaamka maalinimadii Jimcaha ee bishu ahayd 15 March, 2024. Waxaana shahaadada loogu qabtay Masjidka King Fahad ee Los Angeles.
Muuqaal laga duubay Jon oo ku dhawaaqaya Shahadada, ayaa si wayn ugu faafay baraha bulshada
Lil Jon magiciisa oo dhamaystiran waa Jonathan Smith, waxa uu dhashay January 17, 1971, waa heesaa caan ah oo u dhashay wadanka Mareykan, waa DJ, iyo soo saare muusig.
Smith wuxuu ku dhashay Atlanta, Georgia, wuxuuna ku koray xaafad dabaqadda dhexe ah oo ku taal Koonfur-galbeed ee Atlanta. Waa kan ugu wayn shan carruur ah oo uu dhalay aabbihii. Qoyskiisa sida aabihii, hooyadii iyo saddex ka mida walaalihiis waxay soo noqdeen ciidanka miligariga maraykanka.
Waxa uu si wayn dunida caan uga noqday dabayaaqadii 1990-meeyadii iyo horraantii 2000- wuxuu caan ku ahaa nooc ka mid ah hip hop oo si wayn uga daba dhaceen dadii xiligaasi.
Lil Jon waxa uu caan ku yahay codkiisa dheer, gaar ahaan halqabsigiisa ganacsi ee caanka (Yeah).
Wuxu soo saaray albano badan, sannadkii 1977 waxaa soo caan baxay albamada sida “Get Crunk, Who U Wit”
Heesihiisa kali ah sida “Turn Down for What” and “Snap Yo Fingers” waxay ahaayeen qaar hirgalay ama noqday big hit.
Muusiga ka sokow, Lil Jon waxa kale oo uu ka soo muuqday filimada, bandhigyada TV-ga, iyo xayaysiisyada.