Ciidamada badda Hindiya ayaa burcad badeeda Soomaalida ka hor istaagay in ay u adeegsadaan markabka xamuulka ah ee Ruen falal burcad badeednimo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee ANI , iyadoo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada badda Hindiya.
Wararka ayaa intaa ku daraya in markabkan oo ah nooca xamuulka qaada oo ka babanaya calanka Malta uu jimcihii lasoo dhaafay uu qabtay markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda, waxaana la qaaday tillaabo waafaqsan sharciga caalamiga ah, waxaana la sheegay in markabkaasi uu rasaas ku furay markabka dagaalka ee Hindiya.
Burcad badeeda Soomaalida ee qabsaday markabka Ruen bishii December ayaa laga yaabaa in ay u isticmaaleen la wareegidda markab xamuul oo ka babanaayay calanka dalka Bangaladesh oo marayay xeebaha Soomaaliya todobaadkan,sida ay sheegeen ciidamada badda Midowga Yurub .