Ciyaartoyda Muslimka ah ee Arsenl ayaa soo dhaweeyey Mowlac kooxdu uga dhistay garoonka Emirates, si ay ugu cibaadeystaan .
Ciyaaryahanka Khadka dhexe uga ciyaara kooxda Arsenal iyo xulka Masar, Maxmed El Nenny oo xadhigga ka jray qolkan loogu talo galay in ay ciyaartoydu ku tukudan, ayaa bartiisa X ku qoray sida uu ugu faraxsan yahay in ay heleen meel ay ku cibaadeystaan.
Kooxda Arsenal ee horyaalka Ingiriiska gool tirsiga ku hoggaamineysa, waxaa ciyaartoyga Muslimka ah ee u ciyaara ka mid ah: Maxamed Elneny oo udhashey dalka Masar iyo Thomas Partey oo udhashey Ghana.
Goobtan lagu tukado ayaa ka turjumeysa garowshiyo loo hayo ciyaryahannada Muslimka ah ee ka ciyaara Arsenal iyo guud ahaan horyaalka Ingiriiska ee sii badanaya, Waxaana horay u dhacday in ciyaaraha qaar xilliga afurka la hakiyo si ciyaartoyda sooman ay u afuraan.