Halkee ayuu marayaa dadaalada lagu xallinaayo khilaafka Soomaaliya iyo itoobiya ?

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulamo lagu dhex-dhexaadinayo Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dedaalka dhex-dhexaadinta, oo ay hormuud u tahay dowladda Kenya, ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka dowladaha Muqdisho iyo Addis Ababa ee salka ku haya is-afgaradka ay Itoobiya la saxiixatay Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas weerar qaawan oo ay Itoobiya usoo qaaday madaxbanaanida dhuleed iyo midnimo.

Somaliland waxay ku tilmaamtay is-afgaradka oo Itoobiya looga kireyno marin bad oo toos ah iyo saldhig ciidan in uu horseedayo inay Addis Ababa noqoto dowladdii ugu horreysay ee si rasmi ah u aqoonsata.