Madaxda Ugu sareysa Soomaaliya oo Qaabishay Wariye Haldoor.

Soomaaliya oo sharaftay Maxamed Haldoor.

Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay si wada jira uqaabileen Wariye Maxamed Haldoor oo dhawaan Buugiisa Hadhiwaa kusoo bandhigey Muqdisho.

Madaxweynaha Dawlada soomaaliya xasan sheekh maxamuud ayaa kafaalo qaadey wax kasta oo warash ah oo ku baxaya Caafimaadka Haldoor iyadoo wararku sheegayaan in Loo diyaarinayo Safar caafimaad oo dhanka Jarmalka ah.

Dhawaan ayuu Muqdisho kusoo bandhigay buugiisa Hadhiwaa oo sida uu sheegay uu ku helay Taageerayaal badan iyo Gacan qabasho badan oo dhanka Dawladda Federaalka ah.

Haldoor oo hore buugan ugu soo bandhigay magaalada Hargeysa wax kulan ah lamuu qaadan Madaxda ugu sareysa Somaliland, isagoo Wakhtigii bandhigiisa buuga ee Hargeysa ay ka qayb galeen Wasiirada ugu awooda Badan Xukuumada Wakhtigan Ka talisa Somaliland ee Xisbiga Kulmiye.

Seed U aragtaa ?