Dabley hubeysan oo af-duubatay ardey wax ka dhiganeysay dalka nigeria.

Ugu yaraan 287 carruur iskuul ah, oo qaarkood ay da’doodu ka yar tahay siddeed jir, ayaa waxaa gacanta ku haya rag hubeysan oo weerar ku qaaday iskuulkooda oo ku yaalla waqooyi-galbeed ee Nigeria ee gobolka Kaduna subaxnimadii Khamiista, afhayeen u hadlay booliiska ayaa sidani usheegay warbaahinta CNN . In ka badan 300 oo arday ah ayaa waxaa qafaashay kooxo hubaysan oo watay mootooyin kuwaas oo xoog ku galay dugsiga hoose dhexe iyo sare ee LEA oo ku yaala tuulada Kuriga ee degmada Chikun ee Kaduna, sida uu sheegay afhayeenka booliiska gobolka Mansur Hassan. Qaar ka mid ah ardayda ayaa la soo badbaadiyay laakiin 287 ka mid ah ayaa weli ku jira gacanta afduubayaasha. “Ardayda ayaa laga afduubay dhismaha dugsiga subaxnimadii Khamiista 8:00 subaxnimo (waqtiga deegaanka). Ilaa 287 arday ayaa weli gacanta ugu jira burcadda, 100 ka tirsan qeybta hoose iyo 187 dugsi sare,” ayuu yiri Xasan oo intaas ku daray “in ka badan 300 oo arday ayaa markii hore la afduubay, balse qaarkood waa la soo badbaadiyay.” Mar sii horreysay, wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in 227 carruur ah la afduubay, iyadoo soo xiganaysa macallin, xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka, iyo waalidiinta carruurta maqan. Warbixino kale oo dhowr ah oo ay ku jiraan Washington Post iyo warbixin maxalli ah oo 287 ah, oo soo xiganaysa maamulaha dugsiga. Guddoomiyaha gobolka Kaduna, Uba Sani ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in dowladdiisa ay sameyneyso wax kasta oo suurtagal ah si loo xaqiijiyo soo celinta ardayda” la afduubtay. Gobolka Kaduna oo xuduud la leh caasimadda Nigeria ee Abuja oo dhanka Koonfur-galbeed ka xigta, ayaa la daalaa dhacaysay dhacdooyin soo noqnoqday oo ah afduubyo madax-furasho ah oo ay burcaddu u geysanayaan, waxaana sannadihii u dambeeyay ka dhacay afduubyo badan oo ay ka mid yihiin degmada uu ku yaallo Dugsiga Hoose iyo Sare ee LEA.